Barnaamijka waxbarasho ee Tenants Union waxuu kireystayaasha ka caawineysaa in ay helaan aqoon iyo maclumaad siineysa iyaga iyo qoysaskooda hooy nabadeed. Tenants Union waxey awood siineysaa kireystayaasha talibixin, waxbarasho, iyo in ay ka caawinto kireystayaasha barashada xuquuqdooda iyo tilaabo qaadis lagu xalinayo mushkilada guriyaha. Waad imaan kartaa ama waad soo waci karta adigoo la hadlaya shaqaale tababaran oo ku siinaya la talin lacag laan kana caawinaya dadka qaba suaalaha ku saabsan qawaniinta mulkiilaha iyo kireystaha iyo wada hadalo strateegiyadeed ee lagaga hortagayo waayista guryaha.

KHADKA TALEFOONKA KIREYSTAAYSHU SOO WACI KARAAN: 206-723-0500

10 am – 12:30pm Isniinta, Talaado, Arbaca & 1:30 – 4 pm Arbaca
Turjubaan luuqad kasta leh ayaad heleysaa. U sheeg la-taliyaha Tenants Union luuqada aad ku hadashid dulqaadna yeelo inta khadka lagu soo xirayo turjubaanka.

Imaatinka Kaliinigyada

  • Kaliiniga Columbia City
    1:30 – 4 pm Isniinta, Talaadooyinka
    Xafiiska Tenants Union
    5425 Rainier Avenue S, Suite B
    Seattle, WA 98118
    Turjubaan luuqadeed ayaad heleysaa
  • Kaliiniga Lake City Satellite
    5 – 7 pm Khamiis
    North Helpline
    12736 33rd Ave NE # 100
    Seattle, WA 98125

Barnaamijka jadwalka waxbarasho ee Tenentss Union waa mid is bed bedel lagu sameyn karo. Fadlan eeg. www.tenantsunion.org oo ka akhriso akhbaarta ugu dambeysa ee adeegayada iyo wakhtiyada saacdaha.