Ilaalinta Kiraystaha Spokane - Kiraystayaasha iyo taageerayaashooda waxay si adag u shaqeeyeen si ay u hubiyaan in kiraystayaasha iyo guryahoodaba la ilaaliyo!
Waxaa mahad iska leh dadka u dooda kiraystaha iyo xulafadooda, golaha magaalada Spokane waxay meel mariyeen xeerar muhiim ah oo quseeya mulkiilaha-kireystaha 2023 iyo 2024!
Spokane waxaa lagu meel mariyay Xeerka Lr. C-36330 kaas oo uga baahan mulkiilayaasha inay iska diwaan galiyaan guryaha kirada ah ee mudada dheer. Xeerkaan waxaa ku jira maalgelinta saraakiisha fulinta sharciyeynta, adeegyada dib u dejinta kiraystaha, iyo dadaallada la xiriira. Xeer Lr. C-36366 ayaa dejiyay barnaamijka hubinta asalka/kiridhitka, hababka fulinta, lacagaha kiraystaha, iyo sharciyada magaalada. Milkiilayaasha Spokane waa inay hadda diiwaan geliyaan hantidooda ama ay la kulmaan xadgudubyo ka yimaada Sharci Fulinta.
Diiwaanka Kirada Spokane: Haddii aad qabtid walaac ku saabsan degenaanshaha gurigaaga ama su'aalo ku saabsan diiwaanka kirada, tag Dhaqangelinta Xeerka - Magaalada ee Spokane, Washington ama iimayl u dir [email protected].
Kordhinta Kirada Spokane iyo Sharciga wuu Isbeddelaa
Sharcigu wuxuu quseeyaa heshiisyada muddada dheer iyo kuwa bilaha ah wuxuuna dhaqan galayaa Juun 1-deeda 2024
120 maalmood ogaysiis qoran kira kordhinta oo la mid ah ama ka yar 3% ama
180 maalmood oggaysiis qoran kira kordhinta oo ka badan 3% boqolkiiba.
Kiraysi la kabo oo qadarka kiradu ku salaysan tahay dakhliga ama duruufaha kiraystaha gaar ahaan qoyska la siiyay kabka, heshiiska kiraynta waa in uu beddelkeeda bixiyaa oggeysiis qoraal ah ugu yaraan 30 maalmood ka hor kordhinta qaddarka kirada kirayste kasta oo ay saamaysay.
Ogaysiis kasta oo kirada guryaha la kordhiyo waa in lagu caddeeyaa boqolkiiba korodhka kirada, cadadka kirada cusub, iyo taariikhda uu korodhku dhaqan galaayo.
Oggaysiis kasta oo ku saabsan kordhinta kirada guriga waa in loo adeegaa si waafaqsan RCW 59.12.040 .
Ujeedooyinka qaybtaan, ereyga “kiro” waa in uu lahaadaa macnaha lagu qeexay RCW 59.18.030 (29), lana beddelaayo waqti ka waqti.
Agabyada Spokane
Ururka Kireystayaasha ee Washington- Bogga Facebook-ga ee Spokane - Haddii aad rabto inaad la xidhiidho Ururka Kiraystayaasha Washington ee Spokane, fadlan nagala soco Facebook-ga. Kala xiriir xafiiska Spokane ee [email protected] kadib codso inaad ku soo biirto wada sheekaysiga kooxda Hogaanka Kiraystaha ee lagu sameeyo Facebook-ga Messenger.
SNAP (Spokane Neighborhood Action Partners) waa kuwa uga dooda maxaliga iyo gobolka dadka nugul ee ku nool gudaha bulshadeena. Waxay ka caawisaa shakhsiyaadka aan guri lahayn inay helaan guri oo ay ka bixiyaan kharashaadka uu qofka ku guuraayo.
Catholic Charities Eastern Washington waxay ka caawisaa qoysaska carruurta leh ee aan guri lahayn inay helaan guri oo ay ka bixiyaan kharashaadka ay ku soo guurayaan.
Northwest Fair Housing Alliance Waxay baadhaan takoorka guryeynta ee ku salaysan jinsiyadda, diinta, caqiidada, da'da, nooca galmada, jinsiga, heerka qoyska ama xaalada ciidannimo.
Washington State Human Rights Commission wuxuu baaraa cabashooyinka wuxuuna soo saaraa ciqaabaha takoorka guryeynta.
Dhaqangelinta Xeerka - Magaalada ee Spokane, Washington Waxay xoojisaa Xeerka Dayactirka Xaalada Guriyeynta Spokane, waxay soo saartaa oggaysiiska ku xadgudubka mulkiilayaasha iyo mulkiilayaasha guryaha
Haddii aad wajahayso guri ka saarid - Wac1-855-657-8387
Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.