Waxyaabaha anfaca u leh Kireystayaasha

1. Garo xuquuqahaaga

Sharciga mulkiilaha iyo kireystaha kuma caawinayo ilamaa aad baratid ama ogaatid sida loo isticmaalo. Web sidkan waxaad ka heli kartaa in aad baratid xuquuqdaada. Mulkiilayaasha qaarkood waa ay ka faaideystaan kireystayaasha aan si buuxda u fahamsaneyn sharciyada ilaalinaya. Waxaad ka heli kartaa jawaabaha suaalo badan oo caam ah oo ku yaala boggan-ama soo wac oo soo booqo xafiiska wixii ku saabsan Xaqa La-Tallinta Kireystaha.

2. Wax Walba Dekument ka Hayso

Mar walba waa in aad qoraal heysataa! Waa hab dhaqan wanaagsan in aad ka sameysato dekumenti dhamaan waxii qoraal ah ee aad is dhaafsataan adiga iyo mulkiilaha, waan in aad cadeyn u heyso waxii la diray iyo helintan keedaba. Qoraal la’aan owgeed, dalb kasta oo ku saabsan dayactir ama heshiis in dhexmara adiga iyo mulkiilaha waxaad u adeegsan dontaa wax iyaga lid ku ah.Meelo badan ee sharciga, kireystahu dhab ahaan xaq uma leh ilamaa uu qoraal u diro mulkiilaha. Nidaamka qoraalka waxuu kuu xaqiijinayaa in aad cadeyn u heysatid si aad isga dhifaacdo haddii dagaalku kula gaadho in aad ka doodo biilka ama aad ku dacweyso mulkiilaha Maxkamad Sheegashada Lacagaha Yar Yar (Small Claim Court). Ka eego Hab-Dhaqanka Wanaagsan iyo Xog siinta Kireystaha oo ah document xambaarsan akhbaar dheeraad ah.

3. La Xajood Mulkiilahaaga

Sharcigu dhankaaga ha la jiro ama yaanu la jirine, wey haboon tahay in aad ka fakerto dhammaan waxyaabaha idin dhexmara mulkiilaha iyo adiga marka aad la xaajooneyo. Way adag tahay in aad hesho waxa aad dooneyso wayo marar badan sharciga ma ah mid cad oo dhan. Wada xajoodka mulkiilaha iyo kireystaha caadiyanba waa kuwo aan isu dheelitirneyn waayo ugu dambeynta mulkiilaha ayaa ah qofka iska leh kontroolka mulkiyada. Xitaa haddii sharciyadu cad yahiin, weli adiga ayey kugu xirantahay kireystahe ahaan in khasab lagugu fuliyo. Heshiiska qoran waa wadada kuu tilmaameysa xuquuqdaada iyo mowqofka mulkiilaha joogo.

4. Helitaan Ilo Fursadeed

Waxaa jira maclumaad badan oo qiimo leh oo aad kharash la’aan ka heli kartid Kireystayaasha Gobolka Washinigton. Tusaale ahaan, waxaad awood u leedahay in aad wacdo magaaladda aad deganthay qeybta qaabilasan fulinta koodadk guryaha eeg Fulinta Koodka si ay dabagalaan mulkiilaha in uu sameeyo dayactirka lagama marmaanka ah.Waxaad kaloo la tiigsan kartaa mulkiilaha maxkamada sheegashada lacagaha yar yar ee aad ku leedahay. Eeg liiska oo dhan Ilaha Kireystayaasha.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.