Fahamida sharciyada Mulkiilaha iyo Kireystaha

Sharciga gobolka Washington ee ku saabsan kirada guryaha waxaa maclumaadkooda oo fahfaahsan laga heli karaa RCW 59.18, the Sharciga Degaanka ee MulkiilahaiyoKireystaha.
Kireystayaasha degan magaaladda Seattle waxey heystaan ilaalin siyaado ah ee hoos tagtaa Xeerarka Maxkamadda Seattle.

Sharciga Mulkilaha iyo kirreystaha waxaa loo ictiqaadayaa mid“Iska wax u qabso”. Adiga oo kireyste ah ayey kugu xirantahay in aad qaadid tilaabooyin aad ku xaqiijineyso xuquqdaada in mulkiilahu ixtiraamo. Ma jirto he’yad ama xafiis aad waci karto si loo fuliyo xuquuqddada ku saabsan shaciga mulkiilaha iyo kiresystaha u dhaxeeyaa haddii uu mulkiilahu ku xadgudbo.

Ma jirto garoon ay si siman ugu wada ciyaari karaan mulkiilaha iyo kiresystaha. Mulkiilayaalyaasha hantida iska leh, waxey fursand u heystaan maalgelin iyo imkaniyaad kale taas oo aaney badanaaba heysan kireystayaasha.Nasiibdaro sharciyada u dhigan mulkiilaha iyo kireystaha wakhtigana waa kuwo nasiibdaro ah oo aan awood xoogan laheyn kuna filneyn ka hadalka baahida ay qabaan dhamaan kireystayaasha gobolka. Dhamaan mushkiladaha guryahu waxey wadada u xaraan guri ka saarid, haddaba u diyaar garow in aad tilaabo qaado si aad nafsad ahaantada u difaacdo. Guud ahaan, sharciyada mulkiilaha iyo kireystaha ee Gobolka Washington waxuu mudnaan siinayaa mulkiilaha xaq ahaan in uu qaado kirada iyado laga hormairinayo xuquuqaha kale ee kireystaha. Tani macnaheedu waxaa weeye in aad kirada sugto si aad u hesho xuquuqaha kale ee ku qoran sharciga Mulkiilaha-Kireystaha.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.