Hab-Dhaqanka Wanaagsan iyo Maclumaadka ay u Baahanyahiin Kireystayaasha

1) Dhamaan Xiriirka aad la Yeelato Mulkiilahu Qoral ha Ahadaan

Dhamaan dalabyada dayactirka waa in ay ahadaan kuwa qoraal leh (RCW 59.18.070). Mar walba koobi kala har qoralada aad isdhafsataan mulkiilaha iyo cadeynta diristooda, waan in aad xaqiiqso in aad ka heysato koobi dhammaan dekumentiga aad saxiixday. Waad cadeyn kartaa in aad diritay warqada iyo helitaanka adiga oo ku diraya email, Boostada caadiga, diritaan la hubsaday iyo in aad weydisad in laguu soo celiyo in warqada la helay. Xaqiiqso in aad koobi ku xafdato galkaaga. Waxaad kalooo gacanta ka geyn kartaa warqada adigoo weydiisanaya mulkiilaha saxiix, kuna qoro warqada tariikhda. Waxaad kaloo warsan kartaa qof sadexaad oo kale in uu marag ka ahaado in aad ogeysiiska u dhiibtay.

Dhammaan heshiisyada ina dhexmara adiga iyo mulkiilahu iyo waxyaabaha uu kuu balanqaadey waa in ay dekument leeyihiin , gaar ahaan qaabka lacag bixinta .Dhammaan heshiisyada waa in adiga iyo mulkiilaha aad saxiixdaan waana in tariikhduna ka muuqato.

2) Mar Walba ka Qaado Rasiid Lacagta aad Siisay Mulkiilaha

Sharciga gobolka waxuu dalbayaa in mulkiilahu uu siiyo kireystaha resiid kirada uu bixiyey ( ama lacag bixin kasto) haddi ay warsadaan (“RCW 59.18.063”;http://apps.leg.wa.gov/rcw/default.aspx?cite=59.18.063). Soo kale dekument ka sameysa lacag bixin kasta adigoo ugu diraya warqada la husaday kana sameyso koobi jeega ama many order inta aadan u dirin mulkiilaha, una dir warqad aad ku faahfaahineyso lacagta.

Ka fagow in aad lacag cad bixisio. Ku bixi Money Order ama cashier check halka aad ku bixin laheyd lacag cadaan ah, kana sameyso koobi Money order ka kadib markii aad buuxiso inta aan laga jarin qeybta soo hareysa. Marka kasta oo ay kuu suurtowdo calaamade Money orderka ama jeega bisha iyo sanadka kirad dhan, kana reebo Koobi. Dekumentigan lacag bixintaada waxaa loo isticmaali karaa oo keli kirada bisha ku haboon mana loo isticmaali karo kharsahyada kale.

3) Ha ka Joojin Mulkiilaha Kirada Haddii Xitaa uusan Dayactir Sameyn

Kireystahu waa in lacagta kirada bixiyaa si uu u helo dayactir sida ku qoran sharciga. Xitaa haddii dayactirku baahi xoog leh loo qabo, in aad kirada ka joojiso sabab kasta waxey u horseedeysaa in kireystaha guriga laga saaro. Maclumaad dheraad iyo xuquuqdaada in dayactir laguu sameeyo,ka eeg Dayactira.

4) Ka saarista Guriga mar walba waa in Maxkamad loo maro

Ogeysiis ku saabsan hadal in aad guriga ka baxdo ama in lagaa xirto ma ah wax ka jira Gobolka Washington. Dhammaan ogeysiisyada waa in ay ahadan qoraal ay daba socdaan hab sharciyeed gaar ah (RCW 59.12). Waxaad wici kartaa Boliisk haddii mulkillahu uu gurigu kaa xirto ama ka saaro alaabtaada isagoon Maxkamad soo marin.Eeg maclumaad dheraad ah Kasaarida.

5) Fursadaha Helitaanada Goor Hore iyo Mar Walba

Sharciga ku saabsan Mulkiilaha iyo Kireystaha ma laha awood badan oo ku filan oo macna u sameynaya ilaalinta danaha kireystayaasha . Dhamaan mushkiladaha guryaha waxey keeni karaan ugu dambeyntii guri ka saarid, marka u diyaar garow in aad tilaabo qaadid si aad nafsadaada u difaacdid. Marka ay suuragal kuu noqoto, raadso maclumaad iyo kaalmo inta aaney qadiyadaadu isu rogin mushkilad khatra ku ah xasiloonida hoyga. La soo xiriir Tenants Union si aad heshid Xaqa La-Talinta Kireystaha ama eeg ilaha kireystayaasha ee arrinta sharciga,habonaanta nidaamka guryaha iyo maclumaad kale ee bulshadeed.

6) Dekument ka Samee Xaalad Guriga Marka aad ku soo Gurto iyo Marka aad ka Baxdidba

Waad iska difaaci kartaa qof ahaan haddii lagugu soo eedeyo in aad dhaawac u geysatay guriga ka dib markaad ka baxdo guriga adigoo dekumenti ka sameynaya oo dul maraya xaalada guriga marka aad ku soo guurto iyo marka aad ka baxdo. Ka qaad sawir xaalada guriga oo faahfaahsan inta aadan u soo guurin iyo markaad ka baxdo.Taas oo ay ka mid mid yihiin in aad geliso koobi jornaalka maalmaha lana arki karo waxuuna cadeynayaa maalinta sawirka la qaaday . Garsooraha Maxkamada sheegashada lacagaha yar yar ma ogolaan doono kaamira wadata shaabada wakhtiga dekumenti ahaan waayo waa la been abuuri karaa.

7) Mulkiilahu Waxuu Awood ku Fulin Karaa oo Keli ah Xeerka Heshiiska ku Qoran

Mulkiilayaaashu, sharciyan khasab kuma fulin karaan aan ka aheyn sharuudaha ku qoran heshiiska. Mulkiilahu ma bedeli karo xeerka heshiiska iinta heshiiska lagu jiro uusan dhamaan. Sharuudaha iyo xaaladaha ku qoran heshiiska waxaa lagu bedeli karaa oo keli heshiis labada dhinac. Marka hadaad bil bil u kireysato , mulkiilahu wuu badeli karaa xeerka (oo ay ku jidho kiro kordhin) iyadoo lagu siinay 30 casho oo ogeysiis qoran (RCW 59.18.140).

Si taxadar leh u akhri inta aadan saxiixin heshiiska. Mulkiilahu waxuu khasb ku fulin karaa wax kasta iyo dhamaan sharuudaha macquulaka ah ee ku qoran heshiiska haddii aaney ka hor imaneyn sharciga degaanka ama kan gobolka. Lama dhaafi karo xaqa caqdi heshiiska ku qoran RCW 59.18.230. Mulkiilahu waxuu sameynayaa heshiis isaga dano u ah. Faham sharuudaha heshiiska inta aadan saxiixin. Ka eeg maclumaad faah faahsan Heshiisyada Kirada.

8) Dhamaan Kireystayaasha Seattle Waxey Heystaan in Sabab Macquul Guriga Looga Saari Karo

Mulkiilayaash Seattle waa in ay hesytaan Sabab Macquul ah ah si ay kaaga saraa gurigooda (SMC 22.206). Sababta macquul ka ah ee guriga lagaaga saari karo waxaa ka mid ah kirada oo aan la bixin, iyadoon la dhowrin sharuudaha heshiiska kirada, si joogta ah oo loola soo daaho kirada, iyo mulkiilahyaasha oo doonaya in ay galaan guriga. Waxaa jir 18 waxyabood oo sababo macquul ah. Waxaa la doonayaa in ogeysiiska walba oo sababta macquul ka ahi u dhaxeyso 20 ilaa iyo 90 casho. Maclumaad dheraad ah, kaa eeg Kasaarista. Waxii xadka Seattle ka baxsan, mulkiilyaashu waxey warsan karaan kireystayaasha waxii aan sharuudah heshiiku ilaalineyn in ay ka baxaan muddo 20 casho oo leh ogeysiis qoran.

9) Sii 20 Casho oo Ogeysiis ah Marka aad Guriga ka Baxeyso Dekumentia ka Reebo

Si aad u baneyso guriga heshiiskiisu bil bilaha yahay, mulkiilahu waa in uu ka helaa kireystaha ogeysiis qoraal ah 20 casho ka hor marka ay dhamaato mudada kiro bixinta (RCW 59.18.200). Tusaale,mulkiilahu waa in uu helaa ogeysiis qoraal ah 10ka bisha haddii aad dooneyso in aad ka baxdo bisha 30 keeda (waa haddii ay 30 casho ku dhamaaneyso bishu)Waxaa wanaagsan in aad ogeysiiska ka bixitaanka dhiibtid 8 da bisha. Hubi in aad siiso mulkiilaha waraaqaha kuu imaanaya meeshii laguugu soo dirayo ama saxiibka aad ku kasoontahay.

Waa in aad baneysaa guriga bisha aad ogeysiiska bixisay markey dhamaato.Haddii aad hal maalin ku darsato wakhtigi ka bixitaanka, mulkiilahu sharciyan waxuu kugu soo dalacan karaa bisha oo dhan. Mulkiilahu kuma khasbana in uu kaa jaro oo keli inta aad ku jirtay marka aad guurto,lakiin iyaga waad kala xajoon kartaa in kirada lagaa dhimo. Xasuusnow in aad qoraal heysato! Haddii aad heshiis ku jirtid, caadiyan ma baneyneysid ilaa uu wakhtiga heshiis kaagu dhamaado.

10) Dhibanyaash Dagaalka Guriga Waxey Kaloo Heystaan Ilaalin Dhanka Sharciga ah

Dibanayaasha dagaalka guriga lama takoori karo xalada ay ku sugan yahiin awgeed. Badbadayaasha waxey sidoo kale u leeyahiin xaq sharci ah in ay jabiyaan heshiiska si ay uga baxsadaa ku xadgubka, laakiin waa in loo maro nidaamka sharciga. Sidoo kale, mulkiilahu ma uu diidi karo in uu kaa kireeyo guriga sababtoo ah xaladaada ah in aad ka badbaaday dagaalka guriga. Maclumaad dheraad ah ka eeg, Dagaalka Guriga iyo Tahdiidka.

11) Kirad Mudnaan ka sii Bixinta Kharashyadda Kale

Guriga oo aad weyso waxuu keeneysaa in aad xakameyn weyso dhinacyada kale ee nolosha. Fursad ha qaadan in aad lumiso guriga. Dakumenti kala har lacagta aad bixisay iyo wadahadlada aad la yeelatay mulkiilaha guriga si aad isaga difaacdo in aad weyso guriga.

12) Soo Tebi Sheekadaa si Xuquuqda Kireystayaasha ee Bulshadaada loo Hormariyo

Masuuliyiinta aad dooratid waxey u baahanyahiin in ay ogadaan sida kireystayaasha sharciyada kirada ee Washington u saameeyey. Waxaad sidoo kale ka Waci karta khadka talefoonka ee Sharci Dejiyaasha Washington 1800.562.6000 una sheeg arimahaaga. Waxey kuu hayaan turjubaan. U sheeg luuqada aad ku hadashid dulqaadna yeelo inta ay khadka telfoonka kaaga soo xirayaan.Waxaad fariin u dhaafi kartaa Sanaterkaaga, iyo labada wakiiladda aqalka iyo gudoomiyaha gobolka.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.