Joojinta Heshiiska Kireystaha

Heshiis ka joojinta kireeystaha waa ka duwantahay ka saarista. Joojinta heshiisku waa dhamaadka macaahidada kirada, waxaana la warsanayaa kireystaha in uu baneeyo guriga uu kireystay. Kireystayaashu waxey joojin karaan heshiiska in ay ka baxaan iyagooan la siin amar ka saaris. Ka saaridu waxey ku timadaa amar Maxkamadeed, waana dacwad ku saabsan in kireystahu laga saaro meesha uu kiresytay, haddii ay ku guul-dareystaan in ay ka baxi wayaan.

Kireystayaasha heshiiska bil-bilaha ku jira waa in la siiyo ogeysiis qoraal ah, ugu yaraan 20 casho dhamaadka kiro bixinta ka hor in mulkiilahu joojinayo heshiiska. 20 ka casho ee ogeysiiska ah waxaa sidoo kale loogu yeraa”Ogeysiis Sabab La’aan”. Badanaaba magaalooyinka Washington, mulkillahu uma baahna in uu bixiyo sababta loo weydiisanyo kireystaha in uu ka baxo, wakhtigan xaadirka ah ma jirto waqti kordhin dheeraad ah sida uu qabo sharciyada Gobolka Washington.

Haddii kireystahu uu helo wargelinta muddo 20 casho ah in uu kaga bixi waayo, markaa waxey noqonayaa kireystah in uu ku degan yahay qeybta guriga wax ka badan inta sharcigu u ogol yahay, kadiban mulkiilahu waxuu gudbin karaa in xareeysto dacwad lidi kugu ah.

Waa ka duwan tahay xeerkan guud ee ka difaacaya, ka saarista macquulka ah ee magaalada Seattle waxuu dalbeysa in mulkiilahu adeegsado “Sabab macquul” ka saarida ama ka joojinta kireystaha bil bila aha ah. Si loo hormariyo dheelitirnaanta guriyeeynta, Tenent Union waxey jeclaan laheyd in ay aragto dhammaan kireystayaasha Washington in ay helaan ka hortag sabab macquul ah oo lidi ku ah guri ka saarida. Waxii akhbaar dheraad ah, ee ku saabsan guri ka saarista ka eego Ilaha Kireystayaasha.

Kireystayaasha wakhtiga heshiiska cayiman, waxaa laga sugayaa in ay baneeyaan guriga marka heshiiskiisu dhamaado, haddii aanu kireystahu si dadban u kordhin heshiiska ama heshiis qoraal ah aan lala galin mulkiilaha. Haddii heshiiska kiradu aaney u socon bil-bil si joogta ah ama mulkiilahu kuu fidin heshiiska uma baahna in lagu siiyo ogeysiis in aad ka baxdo marka heshiisku dhamaado, xitaa haddi ay hoos timaado amarka ku saabsan macquulnimada.

Mulkiilahu ma ka joojin karo kireystaha sababa la xiriirta midab takoornimo ama argoosi. Argoosi waa sharci daro gabolka Washington, waxaa la ilaalinayaa midabtakoorka ku saleysan xaaladaha, sida midab, jinsi ama naafonimo. Si kastaba, waxaa aad u adag in lagu guleysto sheegashada midabtakorka ama aargoosiga, weli kifaayo ma ah in la joojiyo socodka dacwada guri ka saarista. Xaqiiqso in aad ka heysato dekument qoran mulkiilaha inta ugu badan. Sharciga midab takoorka waxaa maamula xeerka guriyeeynta macquulka ah ee degaanka aad degantahay. Waxii akhbaar dheraad ah, kala hadal xafiiska degankaaga u qaabilsan xuquuqda madanig ah. Ka eeg Ilaha Kireystayaasha waxii maclumaad dheraad ah.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.