Lagama marminada Guri ka saarist

Tusmadani waxaa loola jeedaa in ay bixiso dul mar guud ee marxaladah guri ka saarista ayna bixiso wax yaabo nuxur u leh side kireystayaasha ula socon karo habka ay Maxkamadah Washington u shaqeeyso. Nidaamka guri ka saarida waxaa loo yaqaan sida” fal xabsi sharci daro ah” iyo sharciga oo siinaya mulkiilaha xaqa ah in uu bilaabo nidaamka Maxkamada in uu kireystaha ka saaro guriga uu ka kireystay. Waa lagama marmaan in dhammaan kireystayaashu ay wajaheyso ka saarista, ay si toos ah ula hadalaan qareen, oo weydiistaan in ay wakiil ka noqdaan. Akhbaar dheraad ah ka eego, Ilaha Kireystayaasha.

Halkan waxaad ka heleysaa arrimo muhiimad leh in aad ogaatid oo ku saabsan guri ka saarista Gobolka Washungton:

  • Mulkiilaha kama ssari karo kireystah guriga isgoon maxkamad soo marin. Waa sharci daro in mukiilahu kaa xirto ama kaa qufusho guriga, dibada dhigo alaabtaada ama kaa xiro biya iyo korontada, xitaa haddii aad kirada la soo daahdo. Guri ka saarista Gobolka Washington waxaa loogu yeraa “heyn sharci daro ah”. Heynta sharci darada ah bilowgeedu waxey qaadataa 2-3 usbuuc min bilow ilaa iyo dhamaadka. Ku bixinta kirada muddo 3 casho ah, macnaheedu ma ah in aad ku baneyso guriga ama dhismaha muddo 3 casho ah, lakiin waxey muujineysaa in mulkiilahu rabo in uu bilaabo dacwo. Haddii aadan bixin lacagta lagagu lahaa oo dhan muddo 3 casho gudahood, mulkiilahu waxuu dacwad ka xareyn karaa maxkamada in lagaa saaro guriga.
  • Akhri, oo xafid kana jawaab dhamaan ogeysiisyada kaaga yimaada mulkiilaha. Akhri dhamaan waraaqaha aad ka hesho mulkiilaha si taxadar leh. Waxaa ku jira sharuudo iyo maclumaad faahfaahsan ee marxaladah guri ka saarista. In aad gefto wakhtiga iyo akhbaarta lagaa rabay, waxey sababi kartaa in lagaa saaaro guriga isla markiiba.
    Badanaa guri ka saaristu waxey bilaabataa 3 ama 10 casho in lagu soo wargeliyo.
  • Waa lagama marmaan in aad heysato dekumenti marxalada kala duwan ee guri ka saarida. Waxaa muhiim ah in aad xafidato dhamaan ogeysiisyada aad ka hesho mulkiilaha iyo kuwa aad uga jawaabtay qoraalka wargalinta uu mulkiilahu kuu soo diray. Dalbo kaalmo qareen ama looyar ka jawaaba tilaabada guri ka saarisita ama joojinta tahdiidka mulkiilahu sameynayo. Waxyaabaha ugu xun ee kiresytahu sameeyo waa markii uu dhagaha ka fureysto in uu la xiriiro milkiilaha gaar ahaan arrimaha ku saabsan bixin la’aanta kirada. Waa ay fiicantahay mararka qaar in aad la xajooto mullkiilaha. Laakiin, haddii uu hadal kaa waayo, waxaa u furan wada kale oo ah in uu dacwad xareeyo, si guriga lagaaga saaro. Ka raadso akhbaar iyo maclumaad dheraad ah Ilaha kireystayaasha.
  • Guri kasaaridu weligaa waxey ka muuqaneysaa rikoorkaaga si joogta ah. Marka uu mulkiilahu xareeyo dacwada, waxaa rikoorka kuu galaya si joogta ah in guri lagaa saaray, xitaa haddii si khalad ah lagaga saarayguriga ama aad Maxkamadda ku guuleysatay. Haddii aad iska difaacdo guri ka saarida, kaama joojineyso dacwada ee horey ayey u soconeysaa. Dhamaan, kireytayaasha ay soo wajahday guri ka saarista, waxey leeyahay fursado yar oo ay sameyn karaan. Maxkamadda qaabilsan guri ka saarida ma aha meel kireystayaasha la saaxiib ah. Inta badan kireystayaashu waa laga guleystaa Maxkamadda, marka isku day in aad xaliso mushkilada inta aan mulkiilahu kugu wargelin ka bixista guriga. Haddii rikoorka uu kuu gal in guri lagaa saaray waxey sameyn wey ku yeelaneysaa in aadan mustaqbalka helin guryo wanaagsan. Mararka qaar guri ka saarida lagama hortagi karo. Akhbaar dheraad ah oo ah sidaad u maareyn laheyd rikoorkaaga guri ka saarista, ka eeg Guryo Raadinta. Garsooraha qaabilsan Maxkamada guri ka saarista ma tixgalinayo xaaladaha qofka ku khasbay in uu kirada la daaho, waxaa jira difaac macquul ah oo raad ku yeelan kara natiijada dacwada. La hadal qareen ama looyar si uu akhbaar iyo talo xaaladaada ku saabsan kuu siiyo.
  • Kireystayaasha bil bil u kireysta ee Seattle waxey leeyahiin ka hortag loo yaqaan “sabab macquul leh”. Marka aad Seattle bil bil u kireysato guriga, mulkiilahu waxuu heystaa sabab macquul ah oo uu guriga kaaga saaro. Ka saarista sabab macqul ah waxaa ka mid ah bixin laanta kirada, u hogaansami la’aanta waxii heshiiska ku qornaa, iyadoo si joogta loola soo daaho kirada, ama mulkiilaha uu nafsadiis u doonaaa in uu guriga dego. Kuwaasi waa 18 sabab macquul ah wadar ahaan. Ku wargalinta mid kasta, waa ka du wantahay kuwa kale. Laakiin mulkiilayaasha Seattle kama joojin karaa kireystayaasha waxa an liisk ku qorneyn. Waxii magaaladda ka baxsan, mulkiilayaashu waxey warsan karaan kireystayaasha in aan la ilaalin heshiiska oo labaneeyo 20 casho gudahood sida ogeysis ka qoran.
  • Sharcigu uma ogolaanayo kireystaha in uu bixin waayo kirada sababtoo ah in aan dayactir la sameyn, ama eedeyn lidi ku ah mulkiilaha, ama lacag ay mulkiilaha ku leeyihiin. Sharcigu uma ogolaanayo kireystaha in uu ka hayo kirada si uu uga helo magdhow lacgta dayactirka lagu sameeyey, dhowr shey ita aan ka aheyn. Bixin la’aanta kirada oo dhan wakhtiga la rabay in la bixiyo, waxey kugu keeni kartaa khatar in guriga lagaa saaro, mar haddii rikoorka laguu galiyo waxuu ka muuqanayaa rikoorka abid, waxaan loo isticmaali donaa wax adiga lidi kugu ah, xataa haddii aad maxkamadda ku guuleysato. Dayactir la’aanta waxey kuu nqon dontaa in aad iskaga difaacdo. Laakiin kuma filnan doonto in ay joojis guri ka saarista, marmarsiiyana ma noqoneyso in aad ka haysato kirada ama aadan bixin isagoon kuu ogolaan xaalado gaar ah moyaane. Haddii mulkiilahu uu waafiqi waayo in uu dhimo kirada sabab kasta, xaqiiqso in aad ka hesho qoraal aad labadiinu saxiixdeen oo tariikheysan. Ka jarista lacagta dayactirka lagu sameeyey waxey u ogolaaneysaa kireystha in uu hakiyo kirada dayactirka oo aan la sameyn darteed, laakiin waa in la raaco waxyaabaha gaarka ah ee la rdoonayo in la raaco. Waxaa lagu talinayaa qof kasta oo doonaya in uu adeegsado dayactirka iyo lacag ka jarista in uu raadsado kaalmo sharci. Waxaa dhici karta xaaladaha qaar in garsoorahu u amro kireystaha in uu ka hayo kirada. Ka eego, Dayactirkactirka akhbaar dheeri ah,
  • Ka ilaali naftaada eedeyn aan sax aheyn, waana in aad xafidaa documenti kasta oo ku saabsan lacagta aad mulkiilaha siisay. Ku bixinta kirada lacag cadaan ah oo aan rasiid laheyn iyo ku ridida santuukha kirada lagu ridod, waxey gayeysiin kartaa kireystaha xaalad aan wanaagsaneyn. Ku bixi kirada jegaaga khaaska ah marka ay suurta galka tahay. Haddii aadan kirada ku bixin karin jeeg, waxaad ku bixisaa jeega la yiraahdo Money Order, lakiin ka taxadar in aad hubsato in lacagta ku qoran jeega aad sawirato, kadib markii aad buuxiso qoraalka oo aadan kala harin dabada dambe ee jeega. Mararka qaar waxey qadan kartaa biloh in aad warsato shirkadda Money orderka bixisay in ay ku siiyaan cadeyn, waqti dheerna ayey kugu qaadaneysa inta la soo gunaanadayo guri ka saarista. Ku qor xaga hore ee cida jeega ku socodo iyo xaga hoose oo aad ku qoreyso” kirada bisha maarso oo dhany.” Arrintan waa muhiim waayo haddii ay lacag kugu harsaneyd mulkiilahu waxuu u qaadan karaa lacgtaas, kadina waxuu kugu sheegan karaa in aad bishaan kiradii bixin weysay. Mulkiilahu waa in uu ku siiyaa rasiid markaad warsato, rasiidkaas oo tariikheysan saxiixna leh. Haddii aad bixiso lacag cadaan ah, mulkiilahu waa in uu isla markiiba ku siyaa rasiid. Waxaad kaloo warsan kartaa qof sadexaad oo marag ka noqda in kiradaas la gudoomay.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.