Marxaladaaha Wakhtiga Ka Bixitaanka

Wakhiga guri ka saarista ee gobolka waashington waxey qadataa in ay ku bilaabato kuna dhamaato saddex usbuc, laakiin wey kala duwanaan kartaa. Taas oo saameyn ku yeelan karta fogaanta wakhtiga ay marxalada guri ka saaristu qaadaneyso. Hoos waxaad ka arki kartaa tusaale marxaladaha wakhtiga guri ka saarista ee ku saabsan kiro bixin la’aanta. Marxaladaha wakhtiyadaas waxaa la qiyaasayaa in mulkiilahu dhaqaajiyo marxalada a ugu dhaqsaha badan ee sharcigu u ogolyahay. Marxaladaha wakhtiyadu waa tusaale oo keli ah. Ha u maleyn in marxakada xaaladahu ay isku si u dhaqaaqayaan. La hadal qareen waxii akhbaar dheeri ee arrinkaaga khuseeya.

Maalinta 1 —Wakhtiga Kirada la bixiyo.
Maalinta 2 — Kirada weli lama bixin, mulkiilahuna waxuu siiyey kireystaha in 3 casho ku bixiyo kirada ama baneeyo guriga.
Maalinta 3, 4, 5 — Kireystahu waa in uu mudo saddex casho gudahood ku bixiyaa lacagta oo idil saddexda casho ee la siiyey darted. Mulkiilahu ma aqbali doono in la bixiyo qeyb kirada ka mid ah, laakiin waa in uu ogaladaa in uu lacagta gudoomo haddii lacagta oo dhan loogu keeno mudada 3 cash gudaheed ah. Saddexda casho waxaa lagu darayaa lacag siyado ah madaama kirada lala soo daahay nuddo sadex casho. Kireystahu waa in uu fiiriyaa waxa heshiika ku qoranoo ah lacagta la bixinayo haddii kirada lala soo daaho.
Maalinta 6 — Kirada weli lama bixin. Marka mulkiilahu waxuu eegayaa in uu dacwad ku soo oogo kireystaha sida sharci daro uga jira guriga (ku wargelin dacwada guri ka saarista). Tan waxey bilow u tahay tilaabo sharciyeed ku saabsan guri ka saarid.

  • Kireystahu waxuu heystaa todoba casho in uu ka soo jawabo eedeymaha loo soo jeediyey, haddii kale asaga ayaa u sabab noqonaya in uu dacwad laga guuleyso, waana luminayaa dacwada. Mallinka jawaabta lag rabo kireystaha waxey ka muuqataa warqadda wargelinta.
  • Waxaa laga yabaa in dacwad horay looga xareeyey maxkamadda. Haddii la xareeyey, waxaa xaga sare kaga qoran lambarbarka dacwada.
  • Waxey kaloo tilmaameysaa in lagu wargaliyey in aad ogaato maalinta maxkamadda.
  • Waxey kaloo xambaarsanaan kartaa lacag bixin, ama qoraal dhaar ee laga doonayo kireystaha in uu bixiyo lacagta wargalinta ku qoran uuna si too ah u geeyo diwaan hayaha maxkamada ama uu xareeyo qiraal dhaar ah oo uu ku cadeynayo in uu iska difaac sharcga hortiisa. Tani waxey dhaceysaa todoba casho gudahood marka dacwada laga xareeyo maxkamadda ama kireystahu uu imaan waayey maxkamadda.
  • Wargalintu waxey kaloo siin kartaa kireystaha fursad uu ku dalban karo in dacwada laga xareeyo maxkamadda. Marka dacwad la xareeyo, isla markiiba guri ka saaridu waxey ka muuqaneysaa rikoorka qofka iyadoon ku xirneyn go’aanka garsooraha. Tani waxey si adag saameyn ugu yeelaneysaa awooda uu mustaqbalka guri ku kireysan karo.

Maalinta 12 — Wakhtiga laga doonayaa kireysta in uu soo jawaabo. Kireystahu waxuu dooran karaa intii uu maxkamada tageli ahaa.
  • In jawaabtu ay ku dhantahay dhamaan waxyaabaha kiresyathu uu isku difaacayo sida liiska lacagta uu mulkiilahu ka heysto.
  • Jawaabaha oo idil waa in loo gudbiyaa qareenka mulkiilaha iyo maxkamad haddi horay dacwada loo xareeyey. Cinwaanka qareenka lagala xiriirayo waxay ku qoran tahay warqada edeynta kireystaha la gudoonsiiyey. Qof ahaan jawaabta waad xareyn kartaa, waxadna soo dhigi kartaa boostada ama fax ayaad ku soo diri kartaa, lakiin waa in la helo wakhtiga la rabay ka hor.
  • Haddii kireystahu uu soo jawaabi waayo, waa laga guleysanayaa madaama uu arrinta ka aamusay.
  • Ka dib marka kireystahu soo jawaabo, dacawada waa la dhageysanyaa. Haddi aan wakhtiga dacwada horay loo sheegin, waxey dacwadu dhici dontaa 20 casho gudahood. Waxey dacwado dhic kartaa maalinta ka hor wakhtigu intuusan dhacin

Maalinta 13 — Dacwada ayaa la dhageysanayaa, goa’aanka isla markaas ayaa la gaarayaa. Haddi aan la soo jawaabin, garsooruhu waxuu soo saaraya amar ah in lagaa guuleystay adigoo maqan.
  • Haddii kireystahu ka soo jawaabo dacwada, waxey dhinacyadu tagayaan maxkamada. Garsoorahu waxuu dhageysanayaa laba dhinac, waxuuna soo saaraya go’aan. Badanaa mulkiilaha ayaa ku guuleysta dacwadaha ku saabsan guri ka saarista.
  • Haddii uu mulkiilahu guuleysto, maxkamadu waxey soo saareysaa amar qoraal ku saabsan magdhow iyo go’aan cadada lacagta ee laga doonayo kireystaha, waxaanaintaa u sii dheer in uu bixiyo kharashyada Maxkamadda iyo tan qareenkada.
  • Haddii kireystahu guleeysto, kiiska waa la baabi’inayaa. Laakiin galkaaga ama rikoorkaaga wuu ka muuqaneysaa abid.
  • Haddi kireystahu ku jiro heshiiska, uuna awoodo in uu bixiyo dhamaan lacagta kirada ee laga doonayey oo u geeyo xogheynta maxkamadda, heshiiska la soo celinayaa.
  • Garsooruhu waxuu dacwada u gudbin karaa (Trial) oo ah in si buuxda loo dhageysto dhinacyada iyo markhaatiyaalkooda.
  • Kireystahu waxuu yeelan kara qareen wakiil ka ah, in uu difaaco wakhtiga dacwada la dhageysanayo. Waxii akhbaar dheerei ah ka eego, Ilaha Kireystayaasha.
  • Qareenka mulkiilaha waxuu u soo jeedin karaa kireystaha dalab ah in xal laga wada gaaro intii Maxkamad la aadi lahaa. Iska hubi hana kuu eego qareen heshiiska inta aadan saxiixin. Waxaa jiri kara waxyaabe ku hoos qarsoon oo dhibaato keeni kara oo haddi aad saxiixdo aadan fulin Karin.

Maalinta 14 — Shariifka ayaa keenaya oo suraya albaabka hore ee guriga warqada amarka oo ay ku qoran tahay lacagta lagaa doonayo in aad celiso. Shariifka magaciisa iyo telefoonkiisa waxaa ay ku qoran tahay dusha sare ee amarka warqada. Kireystahu waxuu la xiriiri kara Shariifka si uu ugu sheego wakhtiga uu ka baxo guriga.Maalinta 18 — Waa maalinta ugu horeeysa oo Shariifku fulin karo amarka, 72 saac ka dib markii amarka lagagu wargaliyey. Sidoo kale maalinta 21 aad ayaa kireystaha ugu dambeysa in uu warsad mulkiilaha in hantida ama alaabta uu meel u dhigo.Maalinta 19 or 20 — Alaaba amarka waxaa la fuliyaa maalin ama laba kadib Shariifka ayaa imaanya guriga waxuu eegayaa amarka ah in kireystahu kala baxay alaabtiisa aqalka haddi aanu horey ugala bixin.Maalinta 23 — Wakhtigu ugu dambeysa ee sheriff ku dhaqan gelinayo amarka.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.