Ficilada Sharcidarada ee Mulkiilah

  • Waa sharci daro in mulkiilahu uu iskii kaaga saaro guriga. Mulkiilahu ma ka saari karo kireystah guriga iyadoo maxkamad loo soo amrin. Guri ka saarista waxaa amri karaya maxkamad oo keli ah, waxaan fulinaya Sharifka degamada in uu ka saaro kireysha haddii aan aqalka la baneyn. Kireystaha haddii alaabtiisa si sharci daro looga saaray dhismaha waxuu wici karaa boliiska.
  • Guriga in lagaa xirto waa sharcidaro. Mulkiilahu kama hor joogsan karo kireystaha isagoo badelaya furaha, xataa haddii kiresytahu ay dacwad ku socoto, ama la soo saaro go’aan isaga lid ku ah in uu bixiyo lacag cawil celin ama magdhow. Haddi si sharci daro looga xirtay kireystaha guriga, kireystahu waxuu xaq u leeyahay in loo soo celiyo fursada uu guriga ku geli karo. Laakiin waa in uu bixiyo kharashka dhibatadii uu geeystay si uu fursad u helo in uu ku soo noqdo. Kireystaha si sharci daro ah alaabtiisa dibada loo dhigay waxuu waci karaa boliiska.
  • Waa sharci daro in la jaro qalabka addega, sida korantada iyo biyaha. Waa ka mamnuuca Gobola Washington haddi ula kac loo gooyo adeega korontada iyo biyaha inta aan ka aheyn wakhti yar oo gaaban ee dayactirka la sameynayo. Kireystahu waxuu warsan karaa in la siiyo $100 maalintiiba ama qeyb maalintaa ka mid ah ee koronto iyo biyo la’aanmaqnayeen iyo dhibka uu geystay in uu warsado Maxkamadda Sheegashada Lacagah yar yar.
  • In loo heysto lacagta ijaarka ama hantida, alaabta kireystaha waa sharci doaro. Sharci ma aha in mulkiilahu uu qaato alaabta kireystaha is uu uga helo kiradiisa iyo lacagta uu ku leeyahay. Kireystahu waxuu warqad u qori karaa uu ku warsanayo in uu alaabtiisa u soo celiyo. Haddi la soo celin waayo, waxaa lagu dacweyn karaa qiimaha alaabta la sooc celinayo, dhibka la geystay, haddi mulkiilahu si bareer ah u diido in uu alaabta soo celiyo, waxaana la warsanayaa $500 maalin walba oo alaabtu maqantahay ilaa iyo ugu badnaa $5000.
  • Aargoosiga iyo midab takoorka ku saleysan heshiis joojinta iyo kordhinta kirada waa sharci daro. Aargoosiga lidka ku ah kireystaha ilaashanaya xuquuqdiisa sharciga, sida u dhigayo xeerka u dhaxeeya mulkiilaha iyo kireystaha waxuu yahay mid sharci daro ah. Maxkamadu waxey oran kartaa mulkiilahu waxuu si sharci daro ah uga aargoostay kireystaha, isagoo qaaday tilaabo aan haboneyn oo lid ku ah kireystaha muddo 90 casho, kadib markii kireystahu doontay xaqii uu u ogolaanay sharciga u dhaxeeya Muliilaha iyo kireystaha. Tusaale, waxaa loo ictiqaadayaa aargoosi haddi mulkiilahu ku wargaliyey kireystaha in uunan bixin kirada, halka uu kireystahu ka bixiyey kirada oo buuxda, isagoo sugayey in dayactir oo qabto. Si kastaba ha ahatee, weli waxaa aad u dhib badan in la cadeeyo aargoosiga, kumana filna in la joojiyo socodka dacwada guri saarida. Xaqiiqso in aad heysato dekumenti badan oo qoran intii surta gal ah. Arrinta aargoosiga waa loo soo qaadi karaa markadacwada la iska difaacayo, sidoo kale waxaa lagu jawabi karaa qoraal, waxaana af ahaan looga dooda karaa maxkamadda.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.