Moldiga iyo Hawda Gudaha

Koritaanka Moldigu waa arrin ku caan ah degaanka Pacific Northwest waan mushkilad xad dhaaf ah. Kireystayaal badan ayaa waxey ka cowdaa mushkilad dhanka neefsashada oo ay sabab u tahay xasaasiyad moldku keeno. Kuwaas oo ah arrimo cabasho dhab ah, waxaan nasiib daro ah in sharcigu ka gaabshay in uu xaliyo dhibaatada kireystayaaha ka heysata guryahooda oo ku soo badanaya moldiga. Moldiga waxaa keli ah oo ka hadlay sharciga gobolka sida laga dalbayo mulkiilaha in uu siiyo kireystaha maclumaad qoran ee ku saabsan moldka iyo raadka ay cafimaadka ku yeelan karto (RCW 59.18.060).

4d. Fulinta Koodka Maxaliga waxey kaa caawini kartaa in aad ogaato dayactirka uu mulkiilahu masuul ka yahay. In baaris lagu sameeyo moldiga waa wargelin ama gudbin akhbaar oo keli ah, laakiin alaaba baaritaanku waa mid qaali ah, mana noqon doonto ugu dambeyn mid saameyn ku yeelata mulkiilah in uu sameeyo dayactirka loo baahanyahay ee ka dhigeysa guriga meel lagu nolaan karo.
Xaaladaha kale sida cabitaanka waxa qiiqa, qiiqa kikimikada iyo cayayaanada waxey raaad cafimaad daro ku reebayaan kireystayaasha waxeyna sii kordhinayaan neefta iyo cudurada xasaasiyadaha. Hadda ma jiraan sharciyo ku filan oo nidaaminaya mulkiilaha isticmallak kiimikada ee guryaha la kiresyto, waxeyna ku xirantahay shakhsiyaadka iyo mulkiilaha in ay cayimaan ogolaasharaha cabitaanka waxyaabaha qiiqa ee dhismaha.

Kireystayaasha naafada ah waxey awoodan in ay sameyaan dalab macquul ah ee soo dhaweynaya in gurigu yahay meel lagu nolaan karo, waadna la heshiin kartaa mulkiilahaaga in aad xaliso waxyaabaha kale ee mushkilada tayada hawda gudaha ku saabsan. Qof qof ama koox kireystayaal ah waxey ka dalban karaan mulkiilyaasha siyaasad ku saabsan cabitaan la’aanta iyo dhaqangalinta wakhtiga heeshiiska kirada hadda socda.Eeg qofka labaad ee cabitaanka qiiqa ka hela qof kale, waxii maclumaad guud ee ka hadlaya Qofka Qiiqa ka Qaata Qof Kale.

Tenants Union Tenant Counselors are not attorneys, and this information should not be considered legal advice. Please read our full Tenant Union Disclaimer.